Wednesday, July 3, 2013

Puntland Paltalk Room

<object classid="clsid:D27CDB6E-AE6D-11cf-96B8-444553540000" id="Paltalk" width="800" height="600" codebase="http://fpdownload.macromedia.com/get/flashplayer/current/swflash.cab"><param name="movie" value="http://express.paltalk.com/embed/Paltalk.swf" /><param name="quality" value="high" /><param name="bgcolor" value="#000000" /><param name="flashvars" value="gid=1525239056&refc=109745" /><param name="allowScriptAccess" value="always" /><embed src="http://express.paltalk.com/embed/Paltalk.swf" quality="high" bgcolor="#000000" width="800" height="600" name="Paltalk" align="middle" play="true" loop="false" quality="high" flashvars="gid=1525239056&refc=109745" allowScriptAccess="always" wmode="window" type="application/x-shockwave-flash" pluginspage="http://www.adobe.com/go/getflashplayer"></embed></object>

Wednesday, June 5, 2013

Jawaab gaaban‏

Qoraalkaaga ma wada akhrin, sababtoo ah waxaa ka buuxa meel ka dhacyo farabadan, waxaan filaayaa qoraalkaaga inaadan ugu talagalin inay akhristaan Somali oo dhan, waxaadna raadineysaa Somalinimo, waxaa ceeb ah inaad aflagaadeysid beelo iska dhan, waxaad u hadleysaa sidii nin ciil qaba.

Waxaad tahay qof cabanaaya, misana aan garaneyn si uu u soo bandhigo cabashadiisa, adiga ayaa iska gareynaaya, adiga ayaa is aflagaadeynaya, adiga ayaa beelo dhan ku gafaya, adiga ayaa dulmi diid ah, adiga ayaa dulmi ku faanaya, adiga ayaa waxgarad isu arka, adiga ayaa misana albaabkii jahliga isku soo oodafeeyay.

Qoraalada ay sameeyaan dadka ku abtirsada beesha Hawiyaha waxay u muuqdaan kuwo ay qoreen dad hadal barad ah,  sababtoo ah hadalku wuxuu leeyahay dhibco, haddii aad dhibcahaas ka hoos marto wuxuu noqonaayaa mid hoos uga dhacay xudunta hoosteeda.

Beelaha aad u gafeyso waa kuwo bari iyo bogoxba degan, waa kuwo ab iyo isir u leh taariikh fog oo aaney cid Somali sheegataa aaney la wadaagin.

Taariikhda markii aad dib u raacdo, halganadii dhulka Somaliyeed gumeystaha lagaga dhicinaayay ii sheeg reerka Hawiya ah ee ka qayb qaatay, iidoorka waad la socotaa inuu isagu daba dhilif u ahaa Ingiriiska.

Waxaa hagaagsan inaad wax qirto markaas baa wax lagu qiraayaa, aniga waan kuu qirsanahay inaad jajabisay dalkii dhisnaa ee Somaliya, maantana haddii aad isu aragto inaad nimco ku dhex jirto waxaad ogaataa in maanta adiga qof kaa liitaa aanu Somaliya ku nooleyn, waayo dhowr iyo labaatan sano waa adigakan is dhameynaayay, waa adigakan maanta gaaladu ku kala waardiyeyneyso, waa adigakan dhulkiisii ay gaalo qaadatay, waa adiga kan diinta Kirishtanka iyo hoteelada tumashada ay gaaladu ku dhex fidinayaan, waa adiga kan aan looga baran habayaraatee wax khayr iyo Somalinimo ah oo aan ka ahayn waa la i adoonsanjiray, bililiqo, boob, kufsi waayeel iyo caruur, miino dhul lagu aaso, masaakiin jid gooyo loo dhigto, dawarsiga Carabaha, Sanca illaa Sacuudiga.

Marna taariikh kuu yeelimeyso inaad xagxagato beelo, qowmiyado iska dhan oo Rascasayr illaa Raaskaambooni degan, haddii aan ku oranlahaa ka gareyso gafkii aad kula kacday mushtamac iska dhan waxaa jirta sabab aanan kuu orankarin, waayo waxaan ogahay nooca aad tahay, waxaan la socdaa inaad tahay qof xumaha weheshada oo aan dhaqan Somalinimo lahayn, dadka qaar baa ku dooda in Hawiyuhu taariikhda Somaliya uu ku noolaaba ay tahay wax tirsan mudadaasna uu AfkaSomaliga baranaayay, dadka qaar baa aaminsan in Hawiyuhu ay la dhaqanyihiin kuwa cawaanka ah ee South Africa dadka dhagaxa la dhacaayay.

War waxaad ka doodeysaa Idaajaa muxuu noogu sheegi waayay barnaamijka suugaanta VOA, waa hagaage yaad la soo shirtageysaa ha kugu sheegee, war ma cid aan Daarood ahayn oo gabayda jirta.

Waxaa haboon inaad dib isugu laabato, maxaa yeelay qoraalkaaga ma aha mid mudan in laga jawaabo, balse dhowr goor oo hore ayaan arkay qoraalo farabadan oo ay sameeyeen dad u doodaaya beelaha Hawiyaha kuwaasoo aad ka naxayso habka anshax xumada ah ee ay wax u qorayaan, bal eeg tix aad soo qaadatay oo aan hoos ku soo koobiyay oo qoraalkaaga ka mid ahayd, waa mid adiga kugu marag fureysa, waxaad isku qiraysaa inaad ahayd qof waligiiba la adoonsanjiray, la dilijiray, la dhicijiray, waxaad qabtaa cuqdad guun ah, waxaad qabtaa cuqdad aaney Somali kula qabin, Daaroodku ma cuqdadeysna, waqtigii Siyaad dalka xukumaayay iyo kii ka dambeeyay toona ma cuqdadeysna, balse adigu waxaad cuqdadeysantahay tan iyo Sayidkii, Suldaan Keynadiid iyo kuwo kale, marka sideen Somalinimo ku wadaagnaa, maanta waxay socotaba waxaad ku jirtaa dabin aadan ka bixikarin kaasoo ah Federaalism, in aad xaaraan ku nool ahaydna waxaa muujin sida aad ugu mameyso dadka dhulkooda, dalku waa fadaraale maad gurigaaga hagaajiso oo Ugandhayska iyo Burundiga inta iska saarto adiga maamulato, waxaad tahay qof aan la socon nolosha uu ku noolyahay oo khiyaali iyo been ku nool, dhul iyo dhaqan toona fara kuuguma jiraan ee is xisaabi.

Tixdii aad isku dishayna halkan ka akhriso:-

Laga raysay ruunkii Taleex iyo rafaadkiiye
Laga raysay waayeel run yiri rubad ka goyntiiye
Laga raysay adigoon rucleyn yaa ku rabadiiye
Laga raysay Maandhiin rowliyo reero sii qaxaya
Laga raysay rowdii Shanliyo rogadii taagneyde.
Wabilahi Towfiiq

Thursday, July 7, 2011

Mareegta Puntlandtalk.net oo sanad jirsatay.

Bogwareedka aad loo akhristo ee Puntlandtalk.net ayaa markii la assaasy waxa ka soo wreegtay sannad iyadoo mareegtan la hirgeliyey bishii June ee sanadkii tegay.

Puntlandtalk.net oo ay maamulaan ruugcadaayo dhinaca saxaafada ah ayaa wax badan soo kordhiyey gaar ahaan dhinaca faalooyinka iyo sawir siyaasadeedka todobaadlaha ah ee KALAMAAN oo inta badan humaag ka bixiya siyaasiyiinta Soomaaliya iyo kuwa Puintland, sidoo wuxuu boggani soo gudbiyaa warar daray ah iyadoo uu leeyahay weriyayaal ka soo warama meelo badan oo caalamka.
Bogwareedkan ayaa bulshada u soo bandhiga warar iyo faalooyin ku saabsan dhinacyada siyaasada, arrimaha bulshada, dhaqaalaha,barnaamijyada diiniga ah iyo barnaamijyada dhaqanka iyo suugaanta. sidoo kale wuxuu baahiyaa wararka caalamiga ah iyo wararka saameeya siyaasada Soomaaliya.
Mustaqbal dhow waxaa Puntlandtalk.net u qorshaysan in la balaariyo iyadoo lagu talo jiro in la hirgeliyo Idaacad ka howlgasha degaanada Puntland oo timaadada fogna la gaarsiiyo guud ahaan Soomaaliya.
Ha moogaan hana ka maqnaan dheehashada Puntlandtalk.net

Maamulka Sare ee Puntlandtalk.net

Nagala soo xiriir Puntlandtalk@hotmail.com