Thursday, July 7, 2011

Mareegta Puntlandtalk.net oo sanad jirsatay.

Bogwareedka aad loo akhristo ee Puntlandtalk.net ayaa markii la assaasy waxa ka soo wreegtay sannad iyadoo mareegtan la hirgeliyey bishii June ee sanadkii tegay.

Puntlandtalk.net oo ay maamulaan ruugcadaayo dhinaca saxaafada ah ayaa wax badan soo kordhiyey gaar ahaan dhinaca faalooyinka iyo sawir siyaasadeedka todobaadlaha ah ee KALAMAAN oo inta badan humaag ka bixiya siyaasiyiinta Soomaaliya iyo kuwa Puintland, sidoo wuxuu boggani soo gudbiyaa warar daray ah iyadoo uu leeyahay weriyayaal ka soo warama meelo badan oo caalamka.
Bogwareedkan ayaa bulshada u soo bandhiga warar iyo faalooyin ku saabsan dhinacyada siyaasada, arrimaha bulshada, dhaqaalaha,barnaamijyada diiniga ah iyo barnaamijyada dhaqanka iyo suugaanta. sidoo kale wuxuu baahiyaa wararka caalamiga ah iyo wararka saameeya siyaasada Soomaaliya.
Mustaqbal dhow waxaa Puntlandtalk.net u qorshaysan in la balaariyo iyadoo lagu talo jiro in la hirgeliyo Idaacad ka howlgasha degaanada Puntland oo timaadada fogna la gaarsiiyo guud ahaan Soomaaliya.
Ha moogaan hana ka maqnaan dheehashada Puntlandtalk.net

Maamulka Sare ee Puntlandtalk.net

Nagala soo xiriir Puntlandtalk@hotmail.com